Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan Laqaatay dhalinyarada Muqdisho

Khamiis 26 Sep 2024 {HMC} – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo warbixin ka siiyey xaaladda dalka.

Madaxweynaha ayaa dhalinyarada uu qaabilay la wadaagay xaaladda guud ee dalka, qorshaha difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda, guulaha laga gaaray dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhallinyarada ka dhageystay warbixinno ku saabsan fursadaha iyo caqabada haysta dhallinta Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa dhalinyarada ka dhageystay aragtiyo ku aaddan hoggaaminta dalka, isaga oo uga warbixiyay qorshaha dowladda ee horumarinta dhallinyarada, gaar ahaan shaqo abuurka iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.

Kulanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh la yeeshay dhalinyarada waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin.

Dhalinyarada ayaa madaxweynaha u gudbisay talooyin badan, iyagoo uga warbixiyey duruufaha ka qarsoon madaxda ee dalka ka jira iyo sida ay ku haboontahay in loo xaliyo, sidoo kale waxay madaxweynaha ku dhiirigeliyeen guulaha ay xaqiijisay dowladooda.

WARARKA