Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Itoobiya oo ka fiirsanaysa in ay kala soo dagto shidaalka ay dibada ka keensato Dekeda Berbera

Thursday 26 Sep 2024 {HMC}  Xili ay jirto xiisad xoogan oo u dhaxeeyso Soomaaliya iyo itoobiya ayaa Dowladda Itoobiya, waxaa ay ka fiirsanaysa in ay shidaalka kala soo dagto dekeda magaalada Berbera ee Somaliland, sida lagu baahiyay qaybo badan oo kamid ah warbaahinta madaxa bannaan ee Itoobiya.

Agaasimaha Guud ee Suuqgaynta iyo Cilmi-baadhista Saliida ee Hay’adda Maamulka Saliida iyo Tamarta Itoobiya, Ato Lemesa Tulu, ayaa sheegay in hoos u dhac ku yimid awooda adeeg bixinta ee dekeda Jabuuti, oo ay markii hore Itoobiya kala soo dagi jirtay saliida, isaga oo sheegay in nidaamka kaydka dekeda aan la hagaajin middo 18 sanno ah.

 

Waxa uu sheegay in gaas la’aani ay ka jirto magaalooyinka Itoobiya sida Addis Ababa, oo la arkayo wadayaasha baabuurta oo safaf dhaadheer ugu jira 120 kaalmood oo ku yaala magaalada Addis Ababa, kuwaasi oo u adeega 770,000 baabuur. Waxa uu xusay in shaqada kaalmaha iyo nidaamka kaydka shidaalka ee Addis Ababa laftiisu aanu mid fiican ahayn.

 

Dekeda Berbera ayaa kaalinta kowaad ka gashay dekedaha ugu adeeg bixinta fiican Waddamada Saraha Ka Hooseeya ee Afrika, sida lagu sheegay warbixinta qiimaynta dekedaha ee Baanka Adduunka, halka dekeda Jabuuti uu ku yimid hoos u dhac wayn oo dhinaca adeeg bixinta ah sannadkii lasoo dhaafay sida ay warbixintu xustay.

 

D.R. Ciise Kayd Maxamuud Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay in kadib marka la saxeexo isfahanka Somaliland iyo Iyo Itoobiya, ay Itoobiya wax badan oo kamid ah shixnadaha ay dunida kasoo dhoofsato kala soo dagi doonto dekeda Berbera.

 

Jabuuti ayaa dhankeeda walaac ka qabta ganacsiga Itoobiya oo uu dhaqaalaheedu aad ugu tiirsanyahay uu u leexdo dekeda Berbera, taasi oo sababtay in Jabuuti ay deked usoo bandhigto Itoobiya, inkasta oo Itoobiya anay wali ka jawaabin codsiga Jabuuti.

WARARKA