Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Fransiiska oo Dadaal ugu Jira Hir-gelinta Xabbad-joojin dhexmarta Israel iyo Xizbullah

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC} –  Paris — Faransiiska ayaa Arbacadi sheegay in ay socdaan dadaallo lagu riixayo xabbad-joojin 21 maalin ah oo la kala dhexdhigayo Israel iyo Xizbullah, si loo qaboojiyo colaadda uu dhiigga badan ku daatay ee Lubnaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Jean-Noel Barrot ayaa isaga oo ku sugan bannaanka hoolka shirarka ee Golaha Ammaanka wariyaasha u sheegay, in horumar mihiim ah laga gaaray saacadihi lasoo dhaafay arrinta xabbad-joojinta isla markaana ay wadahadalladu sii socon doonaan saacadaha soo socda.

Barrot, oo lagu wado in uu todobaadkaan gaaro Lubnaan, ayaa goor sii horreysay oo shalay aheyd u sheegay 15-ka xubin ee Golaha Ammaanka, in ay ka rajeynayaan labada dhinac in ay aqbalaan soo jeedinta xabbad-joojinta iyadoo aanan dib loo dhigin si loo dhowro dadka rayidka ah isla markaana la ogolaado billowga wadahadallo diblamaasiyadeed.

Israel ayaa sii wadday Arbacadi shalay duqeynta ay ka waddo Lubnaan.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 72 qof lagu dilay duqeymihi shalay, dhaawacyada ayay ku sheegtay wasaaradda ugu yaraan 223.

Wasiirka gaashaandhiga Isra’il ayaa isna Arbacadi u sheegay ciidamada Isra’il, suurtagalnimada weerar dhulka ah oo ay Israel ku qaaddo Lubnaan arrintaaso oo sii kordhisay cabsida laga qabo in ay sii baahdo colaadda Bariga Dhexe.

Mareykanka ayaa isna Arbacadi sheegay in isaga oo kaashanaya dowlado kale uu ka shaqeynayo sidii loo qabooji lahaa colaadda loogana hortagi lahaa in ay ku baahdo mandiqadda.

WARARKA