Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dekeda Magaalada Eilat ee Israel oo qaraxyo lagu weeraray

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC}  Dekedda ugu weyn Israa’iil ee ku taalla badda cas ee magaalada Eilat oo ka mid ah dhulka ay Israa’iil heysato ayaa lagu weerarray diyaaraddo nooca aan duuliyaha lahayn

Dayuuradahan ayaa ku qarxay gudaha dekedda oo dab iyo qiiq ka shiday qeybo ka mid ah

Dhaqdhaqaaqa Ciraaq ee ay taageerto Iran ayaa sheegtay inuu fuliyay weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qarxiyay dekedda Eilat oo ah dekedda ugu weyn ee badda cas ku taalla ee dhulka ay Israa’iil haysato

Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth uu sheegay inay weerarkaas ku dhaawacmeen labo qof oo Israa’iiliyiin ah.

Dhinaca kale, Taliyaha guud ee ciidanka Israa’iil, Herzi Halevi ayaa ku dhawaaqay inay isku diyaarinayaan duulaan dhulka ah oo ay ku galaan Lubnaan, isagoo ujeeddada ku sheegay inay doonayaan sidii ay ku gaari lahaayeen deegaannada ay ku xoogan tahay Xisbullah ee koonfurta Lubnaan

Ka hor weerarka dhulka wuxuu caddeeyay inay qaadayaan duulaan cirka ah oo aan kala joogsi lahayn si ay suragal ugu noqoto ciidanka inay weerarro dhulka ah qaadi karaan.

Ballaarinta duulaanka Israa’iil ee ay ku doonayso inay gudaha u gasho dhulka Lubnaan si ay burburin xooggan iyo dhul ballaaris uga sameeyaan, ayaa dhalin kara iska horimaad toos ah oo dhexmara Israa’iil iyo Xisbullah.

WARARKA