Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka Doowladda oo Weerar Ku Qaaday Goob aay Ku Shirayeen AS

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC} –  Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ku beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab, kuwaa oo la sheegay in xilliga ay ciidamada beegsanayeen ay ku sugnaayeen deegaan hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamo katirsan guutooyin Gorgor iyo 14-ka October ay fuliyeen howlgal lagu beegsaday dagaallamayaal iyo horjoogayaal Al Shabaab katirsan, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Jowhar-Awdheegle oo 5 KM u jirta degmada Awdheegle.

Howlgalka ciidanka xoogga dalka fuliyeen ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay kooxda Al Shabaab isugu yimaadeen, waxaana goobtaasi ka socday shirar iyo abaabul dagaal ay wadeen saraakiisha iyo xubnaha kale ee katirsan Al Shabaab ee goobtaasi lagu weeraray.

Ciidanka Guutada 175-aad ee Gorgor iyo Guutada 146-aad ee 14-ka October ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgalkan qorshaysan, waxaana wararku sheegayaan in howlgalkan khasaaro kala duwan lagu gaarsiiyay xubnihii katirsanaa Al Shabaab .

WARARKA