Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Boqolaal qoys oo ku barakacay fatahaadaha webiga Shabelle

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC} – Boqollaal qoys ayaa ka barakacay deegaanno hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii uu ku fatahay webiga Shabeelle.

Fatahaadda ayaa sidoo kale baabi’isay dalagyadii kala duwanaa ee ka baxayay beerraha deegaan kaasi ku yaala.

Dadka deegaanka iyo ciidamada Milatariga ee Soomaaliya ayaa isku dayaya in ay moosaan meelaha uu ka jabsaday webigu, laakiin tuulooyin badan ayay hadda biyihu gaareen.

Dad lagu qiyaasayo ilaa dhowr iyo toban kun oo qoys ayaa ku nool tuulooyinkaas. Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday deegaanka ayaa muujinaya biyo jiifa beeraha iyo guryo badan oo ay guryo qaadeen.

Beeraha ayaa waxaa ka bixi jiray khudaar kala duwan, kuwaas oo loo iib geyn jiray magaalada Muqdisho.

WARARKA