Friday, September 27, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Askar ka tirsan Ciidanka Imaaraadka oo lagu dilay Gudaha Dalka Sudan

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC} Wasaaradda difaaca Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay dhimashada 4 askari iyo dhaawaca 9 kale oo ka tirsan militariga dalkaas.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada laguma sheegin halka ay ka dhacday dhimashadda iyo dhaawaca askartaas, balse waxaa soo baxaya wararka la xiriira in askartan ay ku dhinteen weerar duqeyn ah oo ka dhacay gudaha Suudaan.

Ilo wareedyo ayaa wakaalada wararka u sheegay in militariga Suudaan ay duqeyn ka geysteen garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada Nyala ee koonfurta gobolka Darfur ee dalka Suudaan, xilli ay garoonka ku sugnayd diyaarad xamuul ah oo sahay u siday ciidanka RSF oo lagu eedeeyo dawladda Imaaraadka inay taageerto.

Imaaraadka ayaa lagu eedeynayaa inuu si weyn nugu lug leeyahay dagaalka ka holcaya Sudan oo ay ku naf waayeen kumanaan qof, halka malaayiin kalena ay ku barakaceen

WARARKA