Thursday, September 26, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Taliyaha Ciidanka Booliska oo la Dallacsiiyay xilli la filayo in xilka laga qaado

Arbaco 25-Sep-2024 {HMC}  Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Max’uud ayaa darajada S/Gaas u dalacsiiyey Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Sulub Axmed Firin

Darajadan ayuu ku muteystay taliyaha dadaaladii lagu sugayay Amniga caasimada iyo Nawaaxigeeda sida laga sheegay munaasabad ka dhacday Muqdisho.

Madaxweyne Xassan Shiikh oo hadal ka jeediyey munaasabada ayaa ku amaanay taliyaha dedaalka iyo juhdiga uu ku bixiyey sugida amniga iyo xoojinta xasiloonida gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed S/Gaas Sulub Axmed Firin ayaa la filayaa in xilka laga qaado saacadaha soo socda iyadoo lagu bedelayo Gen. Asad Cusman Diyano oo ka soo jeeda Puntland sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay.

WARARKA