Wednesday, September 25, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub.

Arbaco 25-Sep-2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula yeeshay madasha shirka Qaramada Midoobay ee New York, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre iyo Wakiilka Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa EU iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.

Waxa ay isla soo qaadeen labada masuul caqabadaha soo wajahaya gobolka Geeska Afrika, iyagoo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo amniga iyo nabadda gobolka, lagana horgago xasaradaha.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb galaya madasha shirka Qaramada Midoobay ee New York, ayaa halkaasi kulamp duceedyo kula qaadanaya madax kala duwan oo New York u tagay ka qeybgalka shirka.

WARARKA