Thursday, September 26, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Muxuu Yahay Heshiiska Dhexmaray Somalia iyo Azerbaijan?

Arbaco 25-Sep-2024 {HMC}  Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa ka wada hadlay iskaashi dhinaca milateriga ah oo dhexmara labada dal

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbajan kulan kula qaatay dhigiisa dalkaasi Jenaraal Zakir Hasanov.

Kulanka labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga arrimaha Difaaca iyo la-dagaalanka argagixisada.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin nooca iskaashiga dhexmari kara labada dal, iyadoo talaabadan ay ku soo aadeyso xili DF ay dedaal ugu jirto sidii ay taageero milateri u heli laheyd si ay isaga waabiso Itoobiya oo damac uu kaga jiro dhul badeed ku yaalla Somalia.

Azerbaijan ayaa ka mid ah dalalka ku yaalla bartamaha qaarada Aasiya oo inta badan aan Soomaaliya iyo dalalka geeska Afrika xiriir toos ah la laheyn.

WARARKA