Wednesday, September 25, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Gantaalada ridda Dheer ooLagu garaacay Tel Aviv

Arbaco 25-Sep-2024 {HMC}  Ururka Xisbullah ayaa saakay qaaday weerarkii u horreeyay oo ay ka geysteen Tel Aviv , kaddib markii gantaalka riddada dheer ee ballistic-ga ah “Qadr-110” ay la beegsadeen xarunta dhexe ee hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad oo ku taalla duleedka Tel Aviv, iyagoo sheegay weerarkan inay uga jawaabayaan qaraxyadii nidaamka isgaarsiinta Xisbullah.

Ma jiro khasaare weerarkan laga soo bandhigay, xilli Israa’iil ay sheegatay in nidaamkooda difaaca uu ka hortagay gantaalkan oo ah gantaalkii u horreeyay ee riddada dheer oo ay Xisbullah ku weerarrayso Tel Aviv, tan iyo inta Israa’iil ay ballaarisay duulaankeeda Lubnaan.

Waa markii u horreysay oo la oggaanayo inay ururka Xisbullah heysato gantaalka ballistic-ga ah ee Qadr-110 oo ay soo saarto dowladda Iran, horey waxaa loo oggaa kaliya Xuutiyiinta dalka Yemen inay gantaalkan ku hubaysay Iran.

Qadr-110 , wuxuu leeyahay madax qarxa oo leh culeys 1,000 kg , taa oo ka dhigan inuu burbur xoog leh ka geysan karo masaafada uu gaari karo oo u dhaxeysa 1,350 km illaa 1,950. Isku darka culeyskiisa guud ayaa sidoo kale ah 17, 480 kg.

Wuxuu u muuqdaa weerarkan sidoo kale farriin ay ku sheegayso Xisbullah inay wali xoogan tahay, tan oo walaac ku ah Israa’iiliyiinta oo ka fakaraya haddii hal gantaal uu nidaamka difaaca celiyay ka warran boqollaal gantaal oo ka badan tirada uu celin karo nidaamkan, markaa oo ay arki karaan burbur weyn oo gaara, iyadoo wax walba ay ka sameynayso Israa’iil si aan xad lahayn gudaha Lubnaan ,.

Sidoo kalena khasaarihii ugu sarreeyay uu gaaray Xisbullah , wali kooxda reer Lubnaan waxay u muuqataa inay ka foganayso dagaal dhab ah oo ay la gasho Israa’iil, laakin si cad marxaladan waxaa muuqanaysa inuu Netanyahu sameyn doono wax walba si uu dagaalka ugu soo jiido Xisbullah.

WARARKA