Wednesday, September 25, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Isbaarooyinkii yiilay Duleedka Baladweyne oo Intooda badan La qaaday.

Arbaco 25-Sep-2024 {HMC} Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa ku Guuleeystay in la Qaado inta badan isbaarooyinkii yaalay inta udhaxeeyso Baladweyne iyo Degmada Matabaan, kuwaas oo Sababtay in Gaadiidleeyda ay ku dhawaaqan Shaqo Joojin 17-Bishan.

in la qaado Isbaarooyinka Waxaa Lagu Go’aamiyay Shir aan Caadi aheyn oo udhaxeeyay Ugaas Yuusuf Ugaas Khaliif iyo Odoyaasha dhaqanka Beelaha Xawaadle oo Manta Guriga Ugaaska iskugu tagay.

Ugaaska ayaa Odoyaasha Amray in la qaado dhamaan Isbaarooyinka Wadada Laamiga ah yaalay, waxaana shirka markii uu dhamaaday la aaday dhamaan Goobahii isbaarooyinka yaalay.

Odoyaasha, Culuma-udiinka iyo Haweenka ayaa Burburiyay Goobaha isbaarooyinka Gaadiidka Lacagaha Looga qaadi jiray. waxaana ay sheegayn in Manta kadib isbaaro dambo aysan u dul qaadan doonin.

Sidoo kale Maalinta bire ah ayaa waxaa Magaalada ka jiro Shirar kale oo Arintan looga hadlayo waxaana dhamaan Bulshada loogu baaqay in isbaaro meel looga soo Wada jeesto.

 

WARARKA