Talaado 24-Sep-2024 {HMC} Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa Isniinti sheegtay, in tiro aanan badneyn oo ciidamo dheeraad ay u direyso Bariga Dhexe, xilli ay sii xoodeysaneyso xiisadda colaadeed ee mandiqadda ka taagan.
Goโaankaan ayaa kusoo beegmaya kaddib marki ay duqeymo cirka ah oo ay Israโil ku garaacday Lubnaan ay ku dhinteen ku dhawaad 500 oo ruux. Weerarkaasi ayaa waxaa ka horreeyay duqeymo ay Axaddii labada dhinac is weydaarsadeen.
Maj. Gen. Pat Ryder, oo ah xoghayaha warfaafinta ee xarunta Pentagon-ka ee Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka, ma uusan sheegin tirada ciidamada iyo waxa ay qaban doonaan.
Mareykanka ayaa waxaa horay Bariga Dhexe uga joogay ciidan gaaraya 40,000 oo askari.