Tuesday, September 24, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Itoobiya oo si layaab leh uga hadashay hubka Masar ay siisay soomaliya.

Talaado 24-Sep-2024 {HMC} Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hubka ay Masar keentay magaalada Muqdisho, kaas oo habeen hore si rasmi ah ula wareegtay dowladda federaalka, kadib markii marka lagu keenay dekedda Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Taye Atske Selassie oo war kooban soo saaray ayaa walaac ka muujiyay hubka Masar ee laga soo dajiyay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inay ka imaan karto halis kale oo wayn.

Taye Astke Selassie ayaa sidoo kale xusay in hubkan uu geli karo gacanta kooxda Al-Shabaab, taasina ay ku dhalineyso walwal xoogleh.

“Hubka ay Masar kusoo daabushay Muqdisho wuxuu ku dambayn doonaa gacanta kooxaha argigixisada” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka,

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in Itoobiya ay sidoo kale ka walaacsan tahay in saadka ay bixiyaan ciidamada shisheeye ay sii xumeyn doonto ammaanka jilicsan ee Soomaaliya.

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo ay soo saartay dowladda Masar oo faah-faahin dheeraad ah ka bixisay hubka ay keentay magaalada Muqdisho, waxayna xaqiijisay inay Soomaaliya keentay kaalmo military oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya, xilli ay labada dhinac gaareen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah.

“Waxaa Muqdisho gaaray shixnad kaalmo military oo loogu tala galay in lagu xoojiyo awoodda ciidanka Soomaaliya, iyada oo laga amba qaadayo taageerada Masar ee lagu xaqiijinayo xasiloonida Soomaaliya, la dagaalanka aragagixisada iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar.

Masar ayaa sidoo kale sheegtay in kaalmadan milateri ay tahay mid lagu fulinayo heshiiska iskaashi ee labada dal iyo dadaallada Soomaaliya oo amni ah.

Dhammaan tallaabooyinkan ayaa uga sii daraya xiisadda taagan oo ka dhalatay heshiiska badda, waxaana laga cabsi qabaa inay isku rogto dagaal saameeya Geeska Afrika.

WARARKA