Tuesday, September 24, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Deni oo faray ciidanka Puntland in dagaal isku diyaariyaan

Talaado 24-Sep-2024 {HMC} Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta taliska ciidanka daraawiishta Puntland ee 54-aad shahaadooyin ku guddoonsiiyey cutubyo ka tirsan ciidanka oo tababar dhameystay, kuwaasi oo kala ah hurinta 2-aad ee ciidanka Madaxtooyada iyo saraakiisha guutada Duufaan.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa ciidanka ku boggaadiyey guulaha ay kasoo hooyeen xagga amniga iyo difaaca, iyadoo ciidamada Puntland oo aysan AMISOM wehelin ay sugaan amniga dhulka ugu weyn Soomaaliya .

“Waxaan ku faraxsanahay in iyadoo AMISOM ama ATMIS joogin, ay ciidankeenu ku guuleysteen in ay sugeen amniga Puntland oo ah dhulka ugu weyn Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa dhinaca faray saraakiisha iyo ciidanka maamulka Puntland, in la isu diyaariyo guluf dagaal lagu soo afjarayo argagixisada ku dhuumaaleysanaysa buuraha Puntland, arrintaasi oo hadda ah howsha ugu weyn ee Dowladda hortaalla.

WARARKA