Monday, September 23, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dagaal Sababay dhimasho iyo dhawac oo ka socda Duleedka Baladweyne.

Isniin 23-Sept-2024 {HMC} Faah Faahin dheerad ah ayaa Kasoo Baxeeyso Dagaal Xoogan oo ka dhacay Deegaanka Ilkacade oo Dhinaca Waqooyi ka xigo Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa udhaxeeyo Gadiidleeyda Gobolka Hiiraan oo wadada Laamiga ah xirtay iyo Ciidamo Doonayay in Gaadiid xoog ku Gudbistaan.

Inta la Xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay Dagaalka Labo Kalena Dhawac ayaa kasoo Gaaray sida dadka deegaanka ay Hiiraanweyn usheekeyn. Xaalad Kacsanaan ah ayaa Laga soo warinayaa deegaanka Ilka-cade.

Gaadiidleyda Gobolka Hiiraan ayaa xirtay Wadada Laamiga ah ee isku Xirta Baladweyne ilaa Boosaaso kadib Markii ay kordheeyn isbaarooyinka yaalla Baladweyne iyo Matabaan inta udhaxeeyso.

Gaadiidleeyda ayaa Joojiyay dhamaan Gaadiidkii Qudaarta iyo xoolaha ka qaadi jiray Baladweyne iyo kuwa Magaalada Raashinka soo galin jiray. Waxaana ay sheekeyn ilaa xal Rasmi ah inta looga helayo ay xirnaan Doonto Wadadan.

WARARKA