Monday, September 23, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRAD} Kulanka Golaha Shacabka oo Looga Hadlay Hindise Sharciyeedyo Muhiim Ah.

ISNIIN 23-09-2024 {HMC}  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 25-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa qeybinta akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka iyo qeybinta akhrinta saddexaad ee hindise sharciyeedyada kala ah.

1-Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir Beereedka.

2-Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka.

3-Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo kulanka furay ayaa sheegay in ay xildhibaano ka tirsan Golaha ay guddoonka u gudbiyeen soo jeedin ama mooshin ku saabsan ku daris ajende oo ah in ajendaha kulanka ee maanta lagu daro Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeega Baaritaanadda Beeraha ee SARIS waxaana mooshinkan Golaha u faahfaahiyay Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir (Caanoy) oo ka mid ahaa Xildhibaanadda mooshinka saxiixay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka maanta uu ahaa keliya qeybin isla markaana akhrinta iyo dooda hindise sharciyeedyadan ay bilaaban doonaan kulanka xiga ee dhici doona maalinta Arbacada ah.

WARARKA