Sunday, September 22, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Laamaha Amniga XFS oo Ka Shiray Ka Hortaga Hubka Sharcidarada

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda  Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) , ayaa guddoomoyey shir looga hadlayay sidii ay hey’adaha amniga dalku u xakameyn lahaayeen hubka sharcidarrada ah, kaas oo khatar ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo mamnuucaya iibinta iyo faafinta hubka sharcidarrada ah.

Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay sidii hey’adaha amniga loogu adkeyn lahaa inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada hubka sharcidarrada ah, kuwaas oo gacan ka geysanaya hurinta colaadaha qabiillada iyo taageeridda kooxaha argagixisada ah ee Khawaarijta .

Wasiirka Amniga Xukuumadad Soomaaliya ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay kaalin weyn ka qaataan soo celinta hubka sharcidarrada ah ee gacanta maleeshiyaadka ku jira, si loo hubiyo amniga guud ee dalka.

WARARKA