Sunday, September 22, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Fadeexad ka dhalatay gudiga xajka uu magacaabay wasiir Mukhtaar Roobow xilli uu….

Axad 22-Sept-2024 {HMC} Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa soo saartay liiska guddiga adeegga Xajka ee sanadka soo socda ee sanadka soo socda 2025-ka.

Guddigaan ayaa ka kooban 10 xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta Ibraahim Nadaara.

Wasiirka Diinta Mukhtaar Roobow walaalkiis oo lagu magacaabo Ibraahim Roobow Cali ayaa loo magacaabay xoghayaha guddigaan ka shaqey doona adeega Xajka.

Waa sanadkii labaad oo Mukhtaar Roobow uu walaalkiis u magacaabay xilkaan, waxaana sanadkii hore qeylo dhaan ka soo saaray dad badan oo diidanaa qaabka loo qeybsaday xubnaha guddiga.

Inta badan xubnaha guddigaan la soo magacaabay waa kuwii shaqeeyey sanadkii hore, waxaana ka mid ah culimo waaweyn, magacaabista guddigaan ayaa ku dhaqan geleysa sida uu u soo saaray Wasiir Mukhtaar Roobow oo awood buuxda u leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore balan-qaaday inay sanadka soo socda yarey doonto qiimaha qofka Soomaaliga ah uu ku soo xajiyo, maadaama uu yahay qiime aad u sareeya.

Hoos ka akhriso magacyada xubnaha guddiga

WARARKA