Saturday, September 21, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Iran oo soo Bandhigtay Diyaarad lagu Magacaabo Shahed-136B,

Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Dowladda Iran ayaa maanta soo bandhigtay diyaarad cusub oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo lagu magacaabo Shahed-136B, diyaaradan ayaana cabsi badan ku abuurtay waddamada reer Galbeedka iyo kuwa Iran cadaawada kala dhaxeeyo.

Diyaaradan Iran maanta soo bandhigtay ayaa la sheegay inay weerarro ka fulin karto masaafo dhan 4,000 km, taasoo laga yaabo inay ka dhigto diyaaradda u horreysay ee nooca aan duuliyaha lahayn oo gaarta masaafo 4,000 km.

Sidoo kale , dowladda Iran waxay soo bandhigtay gantaallo Ballistic ah oo uu ku jiro gantaal cusub oo magaciisa lagu sheegay Jihad , kaaso leh madaxyo la furfuri karo , wax u muuqda inay Iran mustaqbalka isku diyaarinayso hub nukliyeer ah.

Dowladda Iran ayaa sidoo kale soo bandhigtay hub kale oo casri ah ay ku jiraan gantaalo meel fog gaari kara, waxa ayna Iran digniin adag u dirtay dowladaha cadawada ka dhaxeyso ay ugu horeeeyaan Israa’iil.

Diyaaradan casriga ah ee dagaalka waxay soo bandhigtay dowladda Iran ,iyadoo u dabaal-deggaysa sannad-guurradii 44 -aad ee ka soo wareegatay duullaankii uu hoggaamiyihii Ciraaq, Saadam Xuseen ku qaaday dalka Iran.

WARARKA