Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Malaayiin qof oo ka mid ah shacabka waddanka Sri Lankans ayaa saakay oo sabti ah u dareeray goobaha codbixinta si ay u soo doortaan madaxweyne cusub.

In ka badan 17 milyan oo qof oo ka mid ah 22-ka milyan ee ku nool Sri Lanka ayaa isu diiwaan-geliyay in ay codadkooda dhiibtaam.

Waxay kala saari doonaan saddexda murashax ee doorashada ku tartameysa oo kala ah madaxweynaha hadda talada haya Ranil Wickremesinghe iyo hoggaamiyaha mucaaridka Sajith Premadasa iyo sidoo kale Anura Kumara Dissanayake.

Ciddi ku guuleysata xilka madaxtinimada ayaa waxaa sugeysa shaqo adag ah kor u qaadidda dhaqaalaha fadhiidka ah ee dalkaasi dhaca koofurta Aasiya, kaas oo aanan wali kasoo kabsan qalalaaso dhaqaale oo uu dhex fadhiyay 10-ki sano ee lasoo dhaafay.

Doorashadan ayaa ah tii ugu horreysay oo dalkaasi ka dhacda tan iyo marki uu dumay nidaamki dhaqaale ee Sri Lanka sannadki 2022-kim markaas oo dalka laga waayay sarrifka lacagaha qalaad, taasoo keentay in dad ay awoodi waayaan in ay soo iibsadaan waxyaabaha aas-aasiga u ah nolosha sida gaaska, dawada iyo cuntada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here