Saturday, September 21, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRO} Ciidanka Xoogga oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Qabsadeen AS

Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Ciidamo katirsan xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa saakay weerar ku qaaday deegaan saldhig u ahaa kooxda Al Shabaab , kaa oo ku yaalla duleedka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool .

Sida aan wararka ku helnay ciidanka xoogga dalka ayaa dagaal kula galay kooxda Al Shabaab deegaanka Qeydar-Adde ee duleedka magaalada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday oo jab lagu gaarsiiyay Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee hoggaaminayay howlgalka saakay ka dhacay duleedka magaalada Xudur ayaa sheegay in ay dileen xubno katirsan Al Shabaab , waxa ay sidoo kale sheegeen in ay jiraan rag kale oo laga dhaawacay Al Shabaab.

Ciidanka xoogag dalka Soomaaliya ayaana soo bandhigay hub kala duwan iyo rasaas ay kala wareegeen kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada wali howlgallo ka wadaan aagga deegaanka Qeydra-Adde ee saakay weerarka ku qadaeen ciidamada.

Al Shabaab ayaa godoomisay magaalada Xudur ee xarunta u ah gobolka Bakoo, waxa ayna Al Shabaab joogaan saldhigyana ka dhigteen deegaanno iyo tuulooyin hoostaga magaalada Xudur , halkaas ay ka godoominayaan magaalada.

WARARKA