Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Soomaaliya iyo Kenya oo dhawaan qorsheynaya inay kala saxiixdaan heshiis cusub oo muhiim ah.

Jimco 20-Sept-2024 {HMC} Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhawaan qorsheynaya inay qalinka ku duugaan heshiis cusub oo muhiim ah.

Heshiiskan oo ah dhanka Kalluumeysiga ayaa xilligaan waxa uu maraya heer geba-gebo ah, iyada oo dhawaana ay qalinka ku duugi doonaan Soomaaliya iyo Kenya, sida uu sheegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Safiirka ayaa sheegay mar uu la kulmay wasiirka dhaqaalaha buluugga iyo macdanta ee Kenya in haddii labada dal ay mideeyan awoodooda ay abuuri karto fursado badan oo bulshada labada dal faa’iido weyn u leh.

Wasiirka Kenya ayaa dhankiisa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in la is-weydaarsado fikradaha iyo waaya-aragnimada Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee gobolka, si looga faa’iideysto awoodda dowladaha deriska.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo ayaa qorsheynaya inay horumariyaan xiriirkooda iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha buluugga ah, kalluumeysiga iyo macdanta

Labada dal oo haatan xubin ka ah urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ayaa raba inay xiriirkooda derisnimo uga faa’iideystaan sare u qaadista iskashiga dhanka dhaqaalaha oo dan u ah bulshada labada dal iyo kan gobolka.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya ayaa wadaaga xiriir soo jireen ah, iyaga oo iska kaashada dhinacyo badan oo muhiim ah, gaar ahaan amniga, ganacsiga, siyaasadda iyo waxbarashada.

WARARKA