Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxaabiis ka Baxsatay Saldhiga Booliska Baladweyne.

Faah Faahin dheerad ayaa Kasoo Baxeeyo Maxaabiis Xalay ka baxsatay Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan. Xogta ay Heshay Idaacada Hiiraanweyn ayaa waxaa ay sheegayaan in Maxaabiista xalay baxsatay ay ku jiraan kuwa Dil Toogasho ah ay Maxkamada Gobolka Hiiraan ku Xukuntay.

Maxaabiista xalay baxsatay ayaa gaarayay ilaa 7 Ruux waxaana ay ka baxeey Qeeybta Xabsiga oo Booliska ay Maamulaan. Ciiidamada Booliska Baladweyne ayaa la sheegey in qaar kamid ah Kuwii baxsaday ay qaarkood ay qabteeyn halka kuwa kalena ay wali baadi Gooban.

Sargaal ka tirsan Ciidamada Booliska oo Magaciisa ka gaabsaday inaan Adeegsano ayaa Hiiraanweyn u Xaqiijiyay in Maxaabiista ay Baxsadeeyn. Waxaana uu sheegay in Ciidamada ay wadaan Howlgal Lagu baadi-goobayo Maxaabiista Baxsatay.

Amaanka Saldhiga ayaa mudoyinkii dambo aad loo adkeeyey waxaana la kordhiyay Ciidamadii horey ugu sugnaa. Sidoo kale Saldhiga waxaa Lagu xiray Kaamirooyinka Sare u qaado Amaanka Goobaha Lagu xiro.

Saldhiga Booliska Baladweyne waxaa ku xiran Maxaabiis farabadan oo dambiyo kala duwan ka galay waxaana saldhiga ku yaalla labo Xabsi oo kala hoostaga Booliska Baladweyne iyo CID Gobolka Hiiraan. Waxaana Maxaabiista ka baxsadeeyn Midka Booliska Baladweyne.

WARARKA