Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xildhibaano Ka Tirsan BJFS oo loo diiday in Baydhabo u dhoofaan

Khamiis 19 -09-2024 {HMC} — Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa saakay la sheegay in loo diiday in ay u dhoofto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyada oo kusii jeeday magaalada Baydhabo.

Sida aan wararka ku helnay xildhibaanad Sareedo loo diiday in ay u dhoofto magaalada Baydhabo ayaa kamid ah kuwa si weyn u taageersan Madaxweyne Laftagareen, waxa ay sidoo kale xildhibaanadan kamid tahay mucaaradka ku kacsan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaan Cabdirashiid Jilley oo kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed , ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay ka dambeysay in xildhibaanada loo diido in at Baydhabo aadaan, waxa uuna tilmaamay in falkaasi Vlla Soomaaliya ku kacday tahay wax laga xumaado.

”Habdhaqanka xun ee uu ku dhaqmayo rajiimka Villa-Somalia waa wax aad loogu xumaado!Dowladnimada wuxuu moodaa guri kor ka xeran oo uu furahiisa heysto waxan si adag u cambaaraynayaa Xildhibaanada Qaran ee deegaan doorashadooda u socday ee saakay laga celiyay AirPort-ka muqdisho” ayuu yiri Xildhibaan Jiley.

Waxa uuna intaa raaciyay ”Dhaqamadaan waxey tilmaamayaan fashil, talo xumo iyo rafasho meesha ugu danbeysay. Rajiimka ma oga miyaa xasaanadda uu heeysto dadkii siiyay iney yihiin Xildhibaanada Qaranka sidoo kale sharuucda dalka lagu maaamulo iney yihiin dadkii dajiyay.!”

Tallaabadan xildhibaanada kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed loogu diiday in ay ku aado magaalada Baydhabo , ayaa kusoo aadeysa xilli uu meel xun gaaray khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Laftagareen.

WARARKA