Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxkamada Ciidamada oo Xukun Dil ah Ku Riday Askari Ka Tirsanaa XDS

Khamiis 19 -09-2024 {HMC} — Dable Xoogga Maxamud Cabdulle Geesood “AJ” oo ka tirsan Guutada 7-aad ee XDS, ayaa loo soo xiray dil bareer ah oo degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug uu u geystay Marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed “Qeylo”, Taariikhdu markii ay aheyd Sagaal iyo Tobankii Bisha Labaad ee sanadkaan 2024.

Dilka ayaa yimid kadib markii la isku qabsaday qeybinta Kaararka ay bixiyaan hay’addaha caawiyo dadka danta yar, muran iyo Isqab-qabsi kadibna waxaa xigtay in Eedeysanaha uu rasaas ku furo Marxuumka, halkaas ayuuna ku geeriyooday Xasan Cabdullaahi Axmed.
Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddexdii bishaan September 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Xoogga Maxamud Cabdulle Geesood “AJ” dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed “Qeylo”
Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

WARARKA