Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Diyaarad Helicopter ah oo ku burburtay Duleedka Muqdisho.

Khamiis 19, Sep 2024 {HMC} Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay la socdeen ciidamo caalami ah ayaa maanta oo Khamiis ah ku burburtay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dhowr ka mid ah ciidamada milateriga ee la socday diyaaradda helicopter-ka oo ay ku jiraan saddex ka tirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ka badbaaday shilkan, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Dhacdadan ayaa sababtay in aysan jirin wax dhimasho ah,sidaasi waxaa Anadolu khadka taleefoonka ugu sheegay sarkaal ka tirsan milatariga dalkaasi oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa ATMIS oo ku aadan dhacdadaasi.

Hase yeeshee, ilo-wareedyadu waxay sheegeen in dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda helicobter-ka la badbaadiyay.

Ma cadda in shilkan uu ka dhashay arrin farsamo iyo in uu dab ka dhashay Diyaarada.

Diyaaradan oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa ka soo duushay magaalada Muqdisho, iyadoo ku sii jeeday garoonka Balli-doogle, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya ee Danab.

Balidoogle ayaa waxaa uu 90 kiiloomitir ama 55 mayl koonfur-galbeed ka xigtaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

WARARKA