Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ku dhawaad 3,000 oo ka tirsan Xizbullah oo lagu dhaawacay dalka Lubnan

Arbaco 18-Sept-2024 {HMC} Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sheegtay in ugu yaraan 9 qof ay ku dhinteen in ka badan 2,800 oo kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay hal mar wada qarxeen aaladda pagers-ka oo ah qalab is gaar-siineed oo lagu wada xariiro, farriimahana is isugu gudbiyo.

Qalabkan ku qarxay xubnaha ka tirsan ururka Xisbullah ee Lubnan ayaa lagu soo sameeyay Jasiiradda Taiwan. Gugi dhawaa kooxdu ka dalbatay shirkadda soo sameysay ilaa 5,000 oo xabbo ka hor inta aysan qarxin Talaadadi shalay. Saraakiisha Xisbullah ayaa ku eedeeyay sirdoonka Isra’il ee Mossad.

Isra’il wali kama aysan hadlin weerarkaan. Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Matthew Miller ayaa sheegay, in Dowladda Mareykanka aysan horay u sii ogeyn weerarkasi. Wuxuu intaasi raaciyay in ay hadda billaabeen ururinta xogta.

Ilo-wareedyada dhanka amniga ayaanan wali caddeynin nooca iyo awoodda qaraxyada lagu weeraray Lubnaan, balse mid ka mid ah khubarrada ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, qaraxyada lasoo geliyay aaladda Pager-ka ee dhanka isgaarsiinta uu ahaa wax yar oo la eg saddex garaam.

Pager-ka ayaa ah qalab elektaroonic ah oo dhumucdiisu ay gaareyso kalkuleetarka, waxaa lagu xiran karaa suunka ama la gashankaa jeebabka. Farriim qoraaleedyada iyo codadka ayaa la isugu diri karaa.

Xisballah waxay wacad ku martay in ay ka aargudan doonto Isra’il, oo ay ku eedeysay weerarkaasi.

WARARKA