Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dhallinyaro Dalka Dibadiisa ku xirnaa oo Dowladda Muqdisho kusoo celisay

Arbaco 18 -09-2024 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro Soomaaliyeed doonayay in ay ka tahriibaan dalka Tunisia, halkaas oo ay doonayeen in ay ka galaan Waddamada reer Yurub.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya Danjire Cabdiwahaab Macallin Maxamed ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya ku bixisay dedaal dheer soo celinta muwaaddiniintan, iyadoo la kaashanaysa Safaaradda Aljeris iyo hay’adda IOM.

Dhallinyaradan oo ka kooban laba wiil iyo gabar ayaa ku xirnaa xabsi ku yaalla dalka Tunisia, waxanay Safaaradda Aljeris ee Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adda IOM ku guuleysatay in ay ku soo wareejiyaan Safaaradda Soomaaliya ee Aljeris.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeria ayaa ugu dambayn maanta kasoo dejisay dhallin yaradan garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo ka mahad celiyay dedaalka dheer ee ay dowladdu ku bixisay in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya Danjire Cabdiwahaab Macallin Maxamed ayaa sidoo kale Wasaaradda arrimaha dibedda XFS, hay’adda socdaalka Adduunka IOM iyo waaliddiinta dhashay dhallin yarada ugu mahad celiyay dedaalka weyn ee ay muujiyeen.

WARARKA