Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dagaal Beeleed Kasoo Cusboonaaday Xadka Hiiraan & Shabeellada Dhaxe

Arbaco 18 -09-2024 {HMC} Faah Faahin dheerad ayaa kasoo Baxeeyso Dagaal udhaxeeyo Labo Maleeshiyo Beelled oo Manta barqadii ka dhacay deegaanka Galcad oo ku yaalla Xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabeella dhaxe.

Dagaalkan ayaa sababay dhimashada 3 Ruux iyo dhawaca ku dhawaad 2 qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay ah. Dagaalkan oo salka ku haayo Murad dhinaca Xadka ah ayaa ka biloowday kadib Markii dadka xoolo dhaqato ah oo meel Cusub dagay dhawaan ay Maleeshiyo Hubeeysan Weerar kusoo qaaday iyaga oo dadkane ay sameeyen iska Caabin.

Galcad Waxaa uu ku yaalla inta udhaxeeyso Ceel dheere iyo Jalalaqsi ee Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhaxe. Xiisad Colaadeed ayaa manta ka taagan deegaanka uu dhibka ka dhacay Manta. Labada Maleeshiyo Beellod aya wado Hub Aruursi iyada oo dhinac walba gurmadyo kala duwan gaaray.

Odoyaasha deegaanka ayaa wado dadaalo ah sidii Loo Joojin lahaa Xiisadan Colaadeed oo manta ka taagan Xadka Labadan Gobol. Colaadaha dhinaca Qabaa’ilka ayaa kusoo laalabtay Xadkan iyaga ilaa iyo Hada aanan Xal Ramsi ah Laga Gaarin.

 

WARARKA