Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Barnaamijka JPP Wajigiisi koowaad oo si rasmi ah loo soo Gebogabeeyey

Arbaco 18 -09-2024 {HMC} Bishii Julaay 2024, waxaa si rasmi ah loo soo xiray wajiga koowaad ee Barnaamijka Horumarinta Booliska Soomaaliyeed (Joint Police Program 1 – JPP1), kaas oo bilowday sannadkii 2018, Barnaamijkan wuxuu ahaa mid aad u muhiim ah oo lagu gaaray guulo la taaban karo, isagoo xooga saaray kor u qaadidda xirfadaha, tayada, iyo awoodda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabadda xiritaanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyo madax sare oo ka socday hey’addaha taageerayay barnaamijka.

Barnaamijkan, oo dhaqaale ahaan ay ku taageerayeen Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Jarmalka, ayaa sidoo kale waxaa gacan ka geystay dhowr hey’adood oo caalami ah, kuwaas oo ka qayb qaatay dhaqan-gelinta iyo fulinta qorshayaal lagu horumarinayo Ciidanka Booliska.

JPP1 wuxuu horseeday dhisidda xarumo cusub oo booliska lagu tababaro, wuxuuna sidoo kale bixiyay tababaro sare oo kor loogu qaadayay xirfadaha shaqaalaha booliska, taas oo qeyb weyn ka qaadatay sugidda amniga iyo xasiloonida dalka.

WARARKA