Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Soomaaliya oo si rasmi ugu biirtay hay’ad Caalami ah.

Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Magaalada Veina dalka Austria waxaa ka qabsoomay meertada 68-aad ee shirweynaha Hay’adda Atoomikada Adduunka ee IAEA kaas oo ay ka qayb galeen ergooyinka dalalka xubnaha ka ahi.

Shriweynaha ayaa lagu ballaariyey haya’adda iyadoo dalal cusub ay xubno ka mid ah noqdeen. Dalalka xubnaha Wakaalada Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah qaybta ka ah ay gaaray ilaa 178 dal.

Dalalka ku biiray maanta wakaalada tamarta Nukliyeerka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan IAEA, ayaa waxaa ka mid ah dalka Soomaaliya oo markii ugu horreysay tan iyo asaaskii hay’addaas hadda ku biirtay.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Xamse Adan Xaadow, oo ka mid ahaa waftiga Soomaaliya ee ka qayb galay shirkaasi ayaa sheegay in Soomaaliya ay horrey ugu gudbisay hay’adda doonisteeda xubinimada haya’addaas.

Hay’addan IAEA, ayaa u xilsaaran ururka Qaramada Midoobay ilaalinta Nukliyeerka iyo la socodka xaaladdaha Atoomikada adduunka.

Maxay Soomaaliya ugu dhigan tahay?

Xoghaye Xaadow, wuxuu sheegay in ku biirtistooda hay’addan ay muhiimad gaara u leedahay dalka Soomaaliya

“Waxay uga dhigan tahay horumar weyn, asaaskeena dowladdnima adkayn doontaa sababtoo ah adduunka tamar nabdoon in la isticmaalo waa muhim, dhibka Nukliyeerkana in laga hortago waa muhim, marka muhiimad gaara ayey noo leedahay waxayna ku soo aaday waqti xasaasi ah” ayuu yiri Xaadow.

Wuxuu sheegay inay taariikh u tahay Soomaaliya in macdanta dalku leeyahay la hormariyo taas oo u sheegay inay qayb muhiima ka qaadan doonto in si sharci ah oo waafaqsan nidaamka calaamiga ay kula soo baxaan.

“Macdanka Yuraaniyamta kaliya maha, waa macdan kasta. Shidaalka ayaa qayb ka ah wasakhda sida qashinka lagu soo daadiyo dalka. Waxkasta oo haraa wasakha ah ayaa ka mid ah,” ayuu yiri Xoghaye Xaadow.

Wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya oo ah dal soo kabanaya ay u baahan tahay koronto nabad qab leh isagoo tilmaamay in adduunku maanta u guuray koronto ama tamarta Nukliyeer ah.

Faa’iidada Soomaaliya ugu jirta ku biirista hay’addan

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka wali korontadoodu ku tiirsan tahay kuwa laga dhaliyo matoorada, wuxuu xoghaye Xaadow sheegay inay doonayaan inay doonayaan in ay ka gudbaan mustaqbalka iyagoo kaashanaya hay’addan ay ku biireen ee caalamiga ah.

“Haya’adu waxay ka gaysanaynaa gacan tusaale ahaan inaan galangal u yeelanaynaa deeq bixiyaasha ku bixiya tamarta la cusboonaysiiyo, waxaan fursad u helaynaa khuburada, waxaan fursad u helaynaa Tiknoolajiyada hay’addan ay horumarisay. Waa baahi waqtigeedi taagan” ayuu yiri Xamse.

Dhanka kale waxa uu sheegay xoghayuhu in daraasado ay muujinayaan in Soomaaliya lagu soo daadiyo wasakh badan oo qaarkeed ah mid ka soo hartay wax soo saarka Nugleyrka ku biirista ya hay’adaana ay xal u noqon karto ka hor tagista arrinkaas.

“Waxay naga taraysaa marka kowaad inaan ogaano yaa wax daadiya, oo an xogta helno oo hay’addu xog bay aruurisaa oo xogtaa aan helno, ka dibna cida dhulkeena wasakhda ku shubi karta an ogaano ka dibna hay’addu naga caawiso sidii loga hortagi lahaa” ayuu yiri Xaadow.

Maxay tahay Hay’adda IAEA?

Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah (IAEA) waa urur ay ku midaysan yihiin dawlado badan oo doonaya in ay horumariyaan isticmaalka nabdoon ee tamarta nukliyeerka iyo in la joojiyo isticmaalkeeda ku aadan dhinaca milatariga.

Waxaa la aasaasay 1957-kii, waana sida urur madax-bannaan oo ku dhex jira nidaamka Qaramada Midoobay.

Hay’addan ayaa u warbixino siisa Golaha guud iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyadoo si furan ula socota xaaladaha dunida ee khataraha Nukliyeerka.

Xarunta hay’adda Tamarta Nukliyeerk ee calamiga ayaa ku taalla magaalada Vienna ee dalka Austria.

IAEA waxaa loo abuuray iyadoo laga jawaabayo welwelka sii kordhaya ee caalamiga ah ee ku wajahan hubka nukliyeerka, gaar ahaan iyada oo ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya quwadaha aadka ugu horreeya nukliyeerka, sida Maraykanka iyo Midowga Soofiyeeti.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Dwight D. Eisenhower, ayaa khudbad uu jeediyey waxaa uu ku dalbaday in la abuuro hay’ad u xilsaadaran ka hortaga fidista Nukliyeerka.

Ka dib ansixintii heshiiska ka hortagga faafinta hubka Nukliyeerka ee 1968 dii, IAEA waxaa la siiyay awoodda kormeeridda barnaamijyada nukliyeerka iyo xarumaha lagu hayo intaba.

Soomaaliya haatan mala ah xarun iyo tamar nukleyr inta la ogyahay, balse sida ay sheegtay dawladdu, waxay ugu gol leeyihiin ku biirista ururkaan sidii mustaqbalka ay ugu fududaan lahayd shuruucda ku aadan tamarta laga dhaliyo nukleyrka.

WARARKA