Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Shacab kusii jeeday magaalada Baydhabo oo lagu xanibay garoonka diyaaradaha…..

Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Wararka aan ka heleyno garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho , ayaa sheegaya in saakay la xannibay diyaarado dad rakaab ah u qaadi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dad badan oo shacab ah oo saakay aroortii galay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kuna sii jeeday magaalada Baydhabo , ayaa loo sheegay in la joojiyay in wax diyaarado ah aadaan dhinaca Baydhabo, waxaana dadka lagu wargaliyay in guryahooda ku laabtaan.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaana la sheegay in diideen in garoonka ka dhoofaan diyaaradaha saakay kusii jeeday magaalada Baydhabo, lamana sheegin ilaa hadda sababaha diyaaradahaasi loo xannibay, mana jiro wax war ah oo laamaha amniga iyo maamulka garoonka kasoo saareen arrinkan.

Diyaaradaha la diiday in magaalada Baydhabo u dhoofaan ayaan la ogeyn in ay raaci lahaayeen siyaasiyiin kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed, hasa ahaatee waxaa lasoo tabiyay in dadka garoonka joogay ay u badnaayeen dad shacab ah.

Khilaaf meel xun gaaray oo u dhaxeeya madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxweyne Laftagareen , ayaa sabab looga dhigayaa xannibaadan cusub ee dowladda kusoo rogtay diyaaradaha maalin kasta u duula magaalada Baydhabo.

Masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay ka xun yihiin xannibaada la saaray shacabka kusii jeeday magaalada Baydhabo, waxa ayna cadedeeyeen in aan loo dul qaadan karin dhibaatadaasi ayna qaadi doonaan tallaabooyin adag.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli uu guul darro kusoo dhammaaday kulamo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre magaalada Baydhabo kula soo qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed kaas oo ka biyo diiday in Muqdisho yimaado uuna qaaato rabitaanka Villa Soomaaliya.

WARARKA