Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Falastiiniyiin badan oo lagu dilay marinka Gaza.

Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Saraakiisha caafimaadka Falastin ayaa sheegay, in ugu yaraan 16 qof lagu dilay duqeyn ay ciidamada Isra’il Isniinti ku garaaceen Marinka Gaza, iyada oo dadka la dilay ay ku jiraan shan dumar ah iyo afar carruur ah.

Isbitaalka Al Cawda oo la dhigay qaar ka mid ah meydadka ayaa sheegay in duqeyn lagu bartilmaameedsaday guri ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseyraat lagu dilay 10 qof oo ay ku jireen afar dumar ah iyo laba carruur ah.

Weerarkaasi ayaa sidoo kale lagu dhaawacay 13 kale sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.

Weerar kale ayaa lala eegtay guri ku yaalla magaalada Gaza ayaa lagu dilay lix qof oo ay ku jireen laba carruur ah iyo haweeneey, sida uu xaqiijiyay Adeega Waaxda Difaaca.

Isra’il ayaa sheegtay in ay beegsato kaliya kooxaha hubeysan isla markaana ku eedeysay Xamaas iyo garabyada kale ee hubeysan ee Falastiiniyiinta in ay ka dhex dagaallamaan meelaha ay daganyihiin rayidka.

Hase yeeshee millatariga Isra’il ayaanan inta badan ka hadlin duqeymaha ay ku baaba’aan inta badan dadka rayidka ah ee u badan dumarka iyo carruurta.

WARARKA