Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ninkii Nabadoonka Tooreyda ku dilay oo Maxkamada Baladweyne kasoo Muuqday.

Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Maxkamadda Gobolka Hiiraan,qeybta ciqaabta, laanta tashiga, ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga garmaqalka ciqaabta ah ,ee Namabarkiisu yahay 0045/2024 kaas oo eedeysane ka yahay Cabdi Xuseen Muxumed ina Madiino Cismaan Jabriil oo ku eedeysan dilka marxuum Nabadoon Xassan Maxamuud Jimcaale (Xassan Yare)

Ugu horreyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hiiraan Mudane Cali Xuseen Sabriye ayaa Eedeysanaha u akhriyey eedda uu xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu ku soo eedeeyay eedeysanaha.

Si waafaqsan qod.114 XHC. Xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa Maxkamadda hor keenay baaraha kiiskan iyo Cadeeymihiisa waxaana su’aalo weydiiyay dhinacyada dacwada iyo Maxkamadda.

Sidoo kale maxkamadda ayaa dhageeysatay dooda eedeeysanaha iyo Qareenkiisa si waafaqsan Q 116 XHCS

Ugu dambeyn Maxkamadda Gobolka Hiiraan ayaa soo Gabagabeeysay Galdacwadeedkaan ayadoo sheegtay in ay go’aan ka soosaari doonto.

WARARKA