Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

DFS oo war cusub kasoo saartay diyaaradii Baydhabo ku socday ee…..

Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Waxaa saakay saacado dib loo dhigay diyaarado rakaab u qaadi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, kaddib amar kasoo baxay laamaha ammaanka iyo sidoo kale hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay dedaalo badan oo la sameeyay ayaa saacado kaddib sahashay in la fasaxo diyaaradihii magaalada Baydhabo u duuli lahaa, waxaana rakaabkii markii hore loo sheegay in duulimaadka la baajiyay ku farxeen in la fasaxay.

War goordhaw kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) , ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax duulimaadyo ah oo kusii jeeday magaalada Baydhabo oo maanta la baajiyay, waxa ayna hay;adda sheegtay in aysan wax hakkad ah ku imaan duulimaadyadii tagi jiray Baydhabo.

”Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineeysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbedel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaad-yadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka..

Warkan sheegayay in la hakiyay duulimaadyadii maalinlaha ee aadi jiray magaalada Baydhabo , ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf meel xun gaaray oo u dhaxeeya Madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu taagan yahay.

WARARKA