Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Qubaro dhanka sharciga oo u Dhashay Suudaan oo Gaaray Muqdisho

Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Hassan Moallin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Professor Ahmed Isma’il iyo Professor Mohamed Al faatih oo ah khuburo sharci oo ka yimid dalka Suudaan.

Wasiir Hassan Moallin oo ay wehliyaan Garsoore Sheekh Saalax Dhiblaawe oo ka tirsan Maxkamadda sare ee dala iyo howl-wadeenno ka tirsan qeybaha Sharciyada iyo Garsoorka iyo khuburada ayaa yeeshay kulan diiradda lagu saaray is-dhaafsiga waaya-aragnimada arrimaha sharicga iyo Garsoorka ee Suudaan iyo Soomaaliya.

Wasiir Hassan Moallin oo soo dhaweeyay aqoonyahannada ayaa uga mahadceliyay booqashada ay ugu yimaadeen, waxuuna dalka Suudaan u rajeeyay dib-u-kabasho dhammeystiran

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa leh xariir walaaltinimo qota dheer oo soo jireen ah, sidoo kale Suudaan waxey kamid tahay dowladaha sida hagar la’aanta ah u taageeray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, xilligii ay ugu baahida badnaayeen.

 

WARARKA