Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Bangiga Horumarinta Afrika oo ansixisay $6.6m deeq ah oo lagu taageerayo Soomaaliya

Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Bankiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa ansixisay deeq lacageed oo dhan $6.6m si loogu taageero dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

Dhaqaalahan ayaa loogu talo galay in lagu xoojiyo awoodda dowlad goboleedyada Soomaaliya, si ay u dhistaan qaab-dhismeedkooda maaliyadeed, iyadoo ujeeddadu tahay in kor loo qaado kobaca dhaqaale ee loo wada dhan yahay.

Mashruucan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayada hay’adaha maaliyadda, oo ay ku jiraan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyo Xarunta Warbixinta Maaliyadda (FRC).

Ujeeddada guud ee laga leeyahay ayaa ah, si loo sameeyo hirgelinta ka hortagga lacagaha la dhaqo iyo tallaabooyinka maalgelinta argagixisada.

“Tani waa taageero ku timid waqtigii ku habboonaa, taasoo kor u qaadi doonta maamulka, isla xisaabtanka, xirfadaha, iyo horumarinta tignoolajiyada iyada oo la kobcinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay.” ayuu yiri Ahmed Attout, Agaasimaha Horumarinta Maaliyadda ee AfDB.

Mashruucan ayaa waxaa si toos ah uga faa’ideysan doona hay’adaha maaliyadda dalka, sida Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyo Xarunta Warbixinta Maaliyadda.

WARARKA