Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Jarmalka oo tallaabo adag Kaqaday qul qulka Qaxootiga

Isniin 16 -09-2024 {HMC} Dowladda Jarmalka ayaa Isniinta maanta ah ballaarisay kontoroolka xudduudaha ay la leedahay dhamaan sagaalka dal ee deriska la ah, ayada oo rajo ka qabta in ay xakameyso qul-qulka muhaajiriinta, taasi oo ay ka caroodeen dalalka kale ee xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Booliska Federaalka ayaa hubinayey baabuurta iyo basaska ka soo gudbaya dalalka kale, ayaga oo weydiinaya dadka saaran inay tusaan kaararka aqoonsiga, sidoo kalena furaan qeybta dambe ee gawaarida.

Germany ayaa dhacda bartamaha Yurub, waxayna qeyb ka tahay aagga dal ku gal la’aanta ee ee la yiraahdno Schengen ee dalalka xubnaha ka ah ay ku sameyn karaan isu socod xor ah.

Berlin ayaa tallaabadan ku dhowaaqday toddobaadkii tegay kadib markii ay dhaceen weeraro xagjir oo sare u qaaday cabsida shacabka, islamarkaana xoojiyey taageerada xisbiga midiga fog ee AfD.

Poland iyo Austria ayaa ka mid ah dalalka ka ashtakooday tallaabadan, oo wejigeeda koowaad uu socon doono lix bil.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka Nancy Faeser ayaa sheegtay in tallaabadan looga golleeyahay in lagu xaddido socdaalka sharci-darrada ah iyo “in la joojiyo dembiilayaasha lana aqoonsado lana joojiyo Islaamiyiinta xilli hore”.

Koontaroolada ayaa hakiyay isu socodka gaadiidka, laakiin dadka qaar ayaa taageeray.

Koontaroollada ayaa horey uga jiray xuduudaha Jarmalka uu la leeyahay

Faeser waxay sheegtay in dowladdu ay rajaynayso inay yarayso saamaynta ay tallaabadan ku yeelan karto dadka ku nool iyo kuwa ka shaqeeya gobollada xuduudda, isagoo ballan-qaaday “iskaashiga waddamada deriska ah”.

 

WARARKA