Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Diyaaradaha Sahanka Ruushka ee lagu arkay Alaska iyo Maraykanka oo walaac ka muujiyay

Isniin 16-Sep-2024 {HMC} Diyaaradaha Dagaalka Dowladda Federaalka Ruushka ayaa lagu dul arkay Hawada sida weyn Maraykanka uu ugu faano in uu gacanta ku hayo ee Alaska, walaac ayay Washington ka muujisay Diyaaradahaas nooca sahanka ah.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Cirka ee Waqooyiga Ameerika (NORAD) uu qaaday tallaabooyin uu difaac uga galay Diyaaradahaas oo markii 3aad kusoo xadgudbay muddo ka yar labo todobaad sida hadalka loo dhigay.

Arrintaan ayaa sii kordhisay walaaca laga muujinayo cabsida laga qabo in uu Ruushku beegsado xarumaha Isbahaysiga NATO sida ay dhawaan wadajir ugu caddeeyeen madaxda ugu sarreysa Sirdoonka Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska.

Moscow ayaa muujisay in ay awood u leedahay in Diyaaradahooda basaaska ah ay tagi karaan meel weliba oo loo arko halis aan loo gudbi Karin oo u xiran Dalka Maraykanka, waa tan keentay in uu Ruushka soo gudbiyo muuqaallada ay soo duubaan diyaaradahooda.

 

 

WARARKA