Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} RW Kuxigenka oo Maanta Tacsi Ugu tagay Qoyska Ugaas Faracade

Isniin 16 -09-2024 {HMC} Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta tacsi ugu tegey qoyskii Allaha u naxariistee uu Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi “Faracade” 13kii bishan uga geeriyooday magaalada Maka ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa Allaah uga baryay in uu Marxuumka ka waraabiyo jannadiisa Samir iyo Iimaanna ka siiyo ehelka, beesha uu ugaaska u ahaa iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo hoggaaminayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda iyo Xildhibaannada labada Aqal, ayaa sida oo kale saxiixay Buugga Tacsidaugaaska.

 

WARARKA