Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Daadad xoog leh oo ku dhuftay dalalka dhaca bartamaha Yurub iyo qasaare ka dhashay.

Isniin 16-Sep-2024 {HMC} Waxaa korortay tirada dadka ku dhintay daadad xoog oo ku dhuftay dalalka dhaca bartamaha qaaradda Yurub, kadib roobab mahiigan ahaa oo maalmihi lasoo dhaafay ka da’ay halkaasi.

Meelaha ay daadadka xoogga leh saameeyeen ayaa waxaa ka mid ah Austria, Czech Republic, Poland iyo Romania.

Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in waddamada Slovakia iyo Hungary ay daadadku gaari doonaan.

Ilaa lix qof ayaa la xaqiijiyay in daadadku ay ugu dhinteen dalka Romania halka min hal qof ay ku dhinteen dalalka Austria iyo Poland.

Booliska Jamhuuriyadda Czech ayaa sheegay in la la’yahay afar qof oo ay daadku qaadeen.

Saraakiishu waxay kaloo sheegeen in rubuc malyuun qof laga daad-gureeyay Jamhuuriyadda Czech. Guryo badan ayaa dumay halka kuwo kale oo bandanna ay korontada ka tagtay.

Fatahaadahan ayaa lagu sheegay kuwi ugu xumaa ee soo mara mandiqadda Bariga Yurub muddo 30 sano ah.

WARARKA