Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Ka Wada Hadleen Madaxweyne Deni iyo James Swan?

Axad 15-Sep-2024 {HMC}  Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Ku-simaha Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland ee dowlad dhiska Soomaaliya iyo arrimaha Puntland sida Amniga, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarin.

“Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo arrimaha Puntland sida Amniga, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarin” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.

Waxaa Kulanka kala qeybgalay Madaxweynaha Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

WARARKA