Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Golaha Warbaahinta oo Tababar uqabtay Wariyaasha Soomaaliyeed

Axad 15-Sep-2024 {HMC} Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ee (GWS) oo kaashanaya Xafiiska UNSOM ayaa maanta Muqdisho ku qabtay tababar ku saabsan kor u qaadida aqoonta iyo xirfadda wariyaasha Soomaaliyeed.

Tababarkaan waxaa ka faa’iidaysan doona 35 wariye oo ka kala socda xarumaha Warbaahinta dalka, waxaana uu socon doonaa muddo 3 maalmood ah.

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Warbaahinta Qaranka Md Maxamed Shiil oo ka hadlay tababarka ayaa faahfaahiyay ahmiyadda tababarkaan iyo howlaha hortabinta u leh Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed.

Tababarkaan waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta DFS Md. C/llaahi Xayir, waxaana uu hoosta ka xariiqay ahmiyadda uu Golahaan uu leeyahay dalka, isagoo Wariyaasha ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan tababarka.

WARARKA