spot_imgspot_imgspot_img

Cali Guudlaawe oo Saraakiil Ku Sugan Balcad Kala HadlaY Degaalka AS

Axad 15-Sep-2024 {HMC} Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} ayaa saakay soo gaaray magaalada Balcad ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah sidii AS looga soo af-jari lahaa waddada isku xirta magaallooyinka Balcad iyo Jowhar.

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan la qaatay Taliye ku-xigeenka ciidanka lugta ee XDS Gen. Cirro, Taliyaha qeybta 12-ka April, Taliyaha Guutada 3-aad, Taliyaha Dugsiga Tababarka Qorilloow, Madaxa Taakuleynta Ciidamada Lugta.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii AS looga xorreyn lahaa goobaha yar ay kaga hareen Gobalka Shabeellada Dhexe iyo sidii culeyska looga dulqaadi lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku safra jidka xiriiriya Balcad iyo Jowhar.

“Waxaan ku fooganahay sidii dhulka Hirshabeelle oo dhan uu u noqon lahaa mid ka caagan haraadiga AS, wajiga 2-aad ee dagaalka waxaan Alle ka rajeyneynaa inuu nagu guulleeyo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidamada Deegaanka iyo Shacabka oo sabab u ahaa cashirradii loo dhiggay AS.

WARARKA