spot_imgspot_imgspot_img

AS oo weerar ku qaaday Saldhig ciidan iyo Dagaal xooggan oo…….

Axad 15-Sep-2024 {HMC} Dagaalyahano katirsan kooxda Al Shabaab ayaa saakay weerar xooggan ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland, saldhigyada la weeraray ayaana ku yaalla deegaanka Jannaay Cabdalle ee dhaca duleedka Kismaayo.

Weerarka Al Shabaab ayaana la sheegay in uu ku bilowday qaraxyo, waxaana qaraxyada kaddib kooxda Al Shabaab iyo ciidamada huwanta ah halkaasi ku dhax maray dagaal xooggan oo labada dhinacba ay jilbaha isku aasteen.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland , ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerarkii Al Shababa kusoo qaadeen deegaanka Janaay Cabdalle, waxa ayna sheegeen in halkaasi ku dileen xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab.

Kooxda Al Shabaab ayaa dhankooda guulo waa weyn ka sheegatay weerarka saakay ku qaadeen deegaanka Janaay Cabdalle, mana jiro ilo madaxbannaan oo xaqiijin kara khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay Janaay Cabdalle iyo cida ku gacan sareysay.

Al Shabaab ayaana marar badan weeraro ku qaaday saldhigyo ciidan oo kuyaalla gobolka Jubadda Hoose, waxaana weeraradii ugu dambeeyay Al Shabaab kala kulmeen jab xooggan, iyadoo laga dilay dagaalyahanno aad u tiro badan.

WARARKA