Sabti 14-Sep-2024 {HMC} Madaxda sare ee Eritrea iyo Masar ayaa ka wada hadlay Iskaashiga arrimaha gobalka oo ay kujirto dhawrida madax banaanida Soomaaliya, waxaana sidaas ay kasoo baxday wada hadalo dhexmaray Madaxweynaha Eritrea iyo Wafdi sare oo kasocda Masar oo uu hogaaminayay Wasiirka arrimaha dibada Masar, oo maanta tagay magaalada Asmara.