Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo Ka Tacsiyeeye Geerida Ugaaska Ugaas Cabdullaahi

Jimco 13-Sep-2024 {HMC} Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa war kasoo saaray geerida Ugaaska Beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashu Ugaas Faracadde oo maanta ku geeriyooday Boqortooyada Sacuudiga.

Farnaajo ayaa sheegay in Ugaas Cabdyullaahi uu ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed, waxa uuna door ka soo qaatay dowlad-dhiska iyo nabadda dalka, waxa uuna xusay in xilliyo adag ka soo shaqeeyey horumarka iyo xasilloonida deegaannada Koonfurta dalka.

Umadda Soomaaliyeed, ehlada marxuumka iyo gaar ahaan Bahda Dhaqanka, waxaan uga tacsiyeynayaa geerida Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Faracadde oo ku geeriyooday dhulka barakaysan ee Maka Al-mukarama. Alle waxaan uga baryayaa Marxuumka in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ummadda Soomaaliyeed, qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyooday” ayuu yiri Farmaajo.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna tacsiyeeyay geerida ku timid Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, uu tilmaamay in si mug leh uga soo qeybqaatay geeddi socodkii dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u dhiska Dowladnimada Soomaaliya.

Geerida maanta ku timid Ugaaskii beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi, ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay madax kala duwan , siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaa oo ka naxay geerida ku timid Ugaaska .

WARARKA