Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

DFS oo sheegtay in ay go’an tahay xoreynta, horumarinta iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed. 

Khamiis 12-09-2024 {HMC} Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga magaalada Baydhabo, ayaa kulammo gaar ah la yeeshay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulammadan oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha D/goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, ayaa qeyb ka ah socdaalka Raiisul Wasaaraha ee Baydhabo oo ujeedkiisu yahay xoojinga nabadda, wadajirka Bulshada , iyo horumarinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo dhinacyada kala duwan ee bulshada lagu dhiirrigelinayo in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka ummadda, iyo difaac qarannimada, si loo gaaro Soomaaliya nabaddoon oo horumarsan.

Raiisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey doorkooda naf-hurnimo ee dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo wadajirka shacabka, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay xoreynta, horumarinta iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

WARARKA