Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Shaqaale ka tirsan QM & Shacab lagu laayey Gaza

Khamiis 12-09-2024 {HMC} Militariga Israel ayaa duqeyn ku garaacay iskuul ku yaalla bartamaha Gaza oo hoy u ahaa dad barakac ah, taasoo sababtay dhimashada ugu yaraan 36 qof, oo ay ku jiraan lix shaqaale oo ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin {UNRWA}.

Duqeyntan oo dhacday ayaa burburisay qeyb ka mid ah iskuulka ay maamusho UNRWA ee ku yaal xeryaha qaxootiga Nuseirat, waxaana cambaareeyay dhowr dal iyo hay’ado Qaramada Midoobay ka tirsan.

Ku dhawaad 12,000 Falastiiniyiin barakac ah, oo intooda badan ay yihiin haween iyo carruur, ayaa ku sugnaa iskuulka al-Jaouni, sida ay sheegtay UNRWA, markii ciidamada Israel ay fuliyeen laba weerar oo cirka ah oo ku dhuftay dhismaha.

“Dil aan kala joogsi lahayn, maalin kasta,” ayuu yiri Philippe Lazzarini, oo ah Madaxa UNRWA. “Shaqaale samafal, goobaha rayidka iyo howlihii bini’aadannimo ayaa si cad la iska indha-tiray tan iyo bilowgii dagaalka.” ayuu intaas ku daray.

Dhimashada lixda shaqaale ayaa tirada shaqaalaha UNRWA ee lagu dilay Gaza ka dhigeysa ugu yaraan 220 qof.

Afhayeenka Difaaca Rayidka Falastiin ee Gaza, Mahmoud Basal, ayaa ku qoray barta Telegram in iskuulka la duqeeyay markii shanaad, iyadoo in ka badan 18 qofna ay ku dhaawacmeen.

Agaasimaha guud ee hay’adda Caafimaadka Adduunka {WHO}, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa yiri “Xasuuqa ka socda Gaza waa inuu istaago”. Wuxuu ku qoray barta X: “Erayadu ma soo bandhigi karaan xanuunka dhabta ah iyo khasaaraha nafeed ee Gaza ka socda. Isbitaalada, iskuullada iyo goobaha magan-galyada ayaa si isdaba joog ah loo duqeeyay, taasoo keentay dhimashada dad rayid ah iyo shaqaalaha samafalka.”

Dhismaha iskuullo badan oo ku yaal Gaza ayaa loo bedelay xarumo hoy u ah qoysaska barakacay, iyadoo aqlabiyadda dadka ku nool Gaza oo gaaraya 2.4 milyan ay si isdaba joog ah uga barakaceen guryahooda intii uu dagaalka socday.

Ciidamada Israel ayaa dhowr jeer weeraray iskuullo noocan ah bilihii lasoo dhaafay, iyagoo ku andacoonaya in kooxda Xamaas ay ka hawlgasho meelahaan oo ay isku qariso dadka rayidka ah. Kooxda ayaa beenisay eedaymahan.

Militariga Israel ayaa sheegay in ay fuliyeen wax ay ugu yeereen “Weerar si sax ah loo bartilmaameedsaday oo ka dhan ah xarun hoggaamineed oo ay Xamaas ku leedahay iskuulka al-Jaouni. Waxay sheegeen in “tallaabooyin badan” la qaaday si khatarta dadka rayidka ah loo yareeyo, inkastoo aan la faahfaahin natiijada weerarka.

WARARKA